Wararka laga helayo magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in ilaa Afar Askari ay ku dhaawacmeen iska hor imaad galabta ka dhacay Garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo.
Iska hor-imaadka ayaa dhex maray ciidamada amniga Jubbaland iyo ciidamo taabacsan Afhayeenkii hore ee Maamulka Jubba Cabdinaasir Seeraar Maax oo hadda sheegtay inuu yahay Musharax u tartamaya xilka madaxweynaha Jubaland.
Waxaa la sheegay in ciidamo bistoolado ku hubaysnaa ay gudaha u galeen Garoonka Kismaayo si ay u soo dhoweeyaan Cabdinaasir Seeraar oo ka yimid magaalada Muqdisho, laakiin waxaa ka hortegay ciidamada ammaanka Garoonka oo rabay baaraan Boorsooyinkii uu watay C/Naasir Seeraar, waxaana arrintaasi diiday oo ka hor yimid ciidamadii taageersanaa, taasoo keentay is-rasaaseyn iyo in la is fara saaro.
Dhaawaca ayaa u badan ciidamada sida qarsoodiga ah u hubeysnaa ee taageersanaa C/Naasir Seeraar, waxaana dhaawacooda la geeyay Isbitaalka magaalada Kismaayo, iyadoo aan weli kasoo werin wax dhimasho ah oo ka dhalatay iska horimaadkaasi.