Sunday, May 5, 2024

Faahfaahin: Xaqiiqada Weerarkii Alshabaab ku qaaday Balcad iyo Qasaaraha

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa weerar Qarax weyn ku bilowday oo Alshabaab saaka aroortii ku qaaday degmada Balcad ee Gobolka Sh/Dhexe, kaasoo geystay qasaare dhimasho, dhaawac iyo burbur.

Weerarka ayay Maleeshiyada Alshabaab kasoo qaaday dhinacyada Basra iyo Jowhar ayaa ahaa mid isugu jira weerar toos ah iyo qaraxyo, waxaana mar qura dadka Balcad ay maqleen qaraxa Gaari is-miidaamin ah iyo rasaas culus oo ku xigtay, iyadoo weerar lagu qaaday laba koontarool oo magaalada laga ilaaliyo.

Dadka degaanka ayaa noo xaqiiyay in weerarka uu ahaa mid culus oo si weyn Alshabaab u qorsheysay, Gaariga qaraxa lagu geystayna uu hore magaalada ugu sugnaa, iyadoo maleeshiyada ay gudaha u galeen magaalada.

Ad

Qaraxa Gaariga ayaa burbur xoog leh uu gaarsiiyay kaalin shidaal iyo xarumo dowladeed oo u dhowaa, inkastoo aanu qasaare nafeed geysan. Askari ka tirsan ciidamada dowladda ayaa la xaqiijiyay inuu ku dhintay, halka dhowr kale ku dhaawacmeen weerarka.

Ciidamada dowladda ayaa sheegay inay iska caabiyeen weerarka Alshabaab, isla markaana ay Alshabaab ka dileen 11 maleeshiyo, sida uu sheegay Guddoomiyaha degmada Balcad Qaasim Furdug.

Alshabaab ayaa sheegtay inay muddo la wareegtay xarunta degmada Balcad, isla markaana ay burburisay saldhigii ciidamada, iyadoo ku dishay askar iyo saraakiil fara badan.

- Advertisement -

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON