Alshabaab ayaa weerar kale oo gaadmo ah saaka ku qaaday degmada Mesagowaa ee Gobolka Galgaduud, iyadoo warar kala duwan kasoo baxeen dagaalka dhex maray ciidamada dowladda iyo maleeshiyada Alshabaab.
Taliska Ciidamada Xoogga Dalka ayaa sheegay inuu fashiliyay weerar ay Saaka Khawaarijtu ku soo qaaday degmada Masagawaa ee gobolka Galguduud. Generaal Tareedisho oo ka mida saraakiisha ciidamada dowladda ayaa sheegay in weerarka jab xooggan lagu gaarsiiyay caddowga.
“Khasaaraha hadda intaan xaqiijinay waa 18 Khawaarijta ah oo la dilay. Dadka degaanka ayaa dagaallamay, waana la iska dhiciyay, dadka deegaanka ayaanna guuleystay” ayuu yiri General Tareedisho oo dhinaca kale sheegay in weerarkaas lagu dilay saddex oday dhaqameed oo ka tirsanaa Macawisleyda degaanka.
Wararka ayaa sheegaya in Nabadoonada Alshabaab ku dishay weerarka ay kala yihiin: Nabddoon Cismaan Macalin, Nabaddoon Ibraahim Maxamed iyo Nabddoon Cabdulle Geeljir oo ahaa odayaasha ugu caansan degaannada hoostaga Mesagowaay, waxayna Alshabaab ku dishay Qarax ay la beegsatay xarun ay ku sugnaayeen.
Dhinaca kale Alshabaab ayaa sheegatay in Maleeshiyadooda ay saakay oo Sabti ah weerar ku qaadeen saldhigyada ciidamada dowladda rr degaanka Masagawaay, ayna si buuxda gacanta ugu dhigeen saldhigii degaanka Masagawaay.
Alshabaab waxay sheegatay inay khasaare dhimasho iyo dhaawac gaarsiiyeen ciidamada dowladda, kana furteen Hub iyo Saanad ciidan oo yaallay saldhiga ciidamada ee Mesagowaay.
Ma jiro cid dhexdhexaad ah oo xaqiijisay qasaaraha kala gaaray labada dhinac, laakiin waxay dadka degaanku caddeeyeen in saddex oday looga dilay weerarka Alshabaab, halka Gaadiid dagaalna lagu gubay.
