Wararka laga helayo degaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Muqdisho ayaa sheegaya in weerar qorsheysan lagu dilay guddoomiye waaxeed ka tirsan degaankaasi iyo ilaalo la socotay.
Weerarka ayaa la sheegay inuu ku dhintay mas’uul gudoomiye waxeed ahaa iyo laba qof oo kale, kadib markii koox hubeysan ay jidka u galeen oo ay weerar ku qaadeen mas’uulkaasi, kadibna goobta ka baxsadeen.
Guddoomiye waaxeed magaciisa lagu sheegay Xuseen Cali UK ayaa lag dilay weerarka, waxaa kaloo ku dhintay askari ilaalo u ahaa iyo qof shacab ah, waxaana falkaasi sheegatay Alshabaab oo war kasoo saartay, iyadoo dableyda falka geysatay ay hore u qaateen hubkii ay wateen askartii ilaalada.
Mas’uuliyiinta Gobolka Sh/Hoose ee Maamulka K/Galbeed ayaa sheegay inay weerarkaasi ka danbeeyeen Alshabaab oo lagu raad joogo.