Dagaalyahano ka tirsan AlShabaab ayaa la sheegay inay weerar ku qaadeen saldhig Ciidamada Kenya ay ku leeyihiin duleedka Magaalada Mandhera ee Gobolka Waqooyi Bari dalka Kenya.
Dadka degaanka ayaa sheegay in weerar oo ahaa mid xoog leh uu ka dhacay degaanka Carabiya, iyadoo hubka culus iyo midka fudud laga maqlay degaankaasi xilliyadii hore ee saaka. Ciidamada Kenya ayaa wararku sheegayaan in khasaare lagu gaarsiiyay dagaalkaasi.
Saldhiga la weeraray ee nawaaxiga deegaanka Carabiya, ayaa saacado waxaa gacanta ku haayay Al Shabaab, inkastoo markii dambe ay isaga baxeen deegaankaasi oo ay dib uga laabteen.
Al-Shabaab ayaa sheegatay in saldhigii Ciidamada Kenya ee ku yaalla agagaarka magaalada Mandheera ay la wareegen, isla qasaare gaarsiiyeen ciidamada Kenya.