Monday, March 24, 2025

Faahfaahin: Taliye ku-xigeenka Ciidamada Xoogga Dalka oo Qarax lala beegsaday iyo Alshabaab oo…

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa Qarax Miino oo saaka kala beegsaday Gawaari uu la socday Taliye ku xigeenka Ciidamada Xoogga Dalka.

Qaraxa ayaa la dhigay Wadadda C/qaasim ee isku xirta Isgosyada KM 4 iyo Trebuunka, waxaana lagu qarxiyey Gaari uu la socday Taliye xigeenka Ciidamada Xoogga Dalka Jeneraal Cabbaas Amiin Cali oo xilligaasi halkaas mamarayay, siiba agagaarka iskuulka Hoyga Xamar ee degmada Hodan.

Waxaa la xaqiijiyey inay qaraxa ku dhinteen laba askari oo ka tirsanaa ilaalada Taliye ku xogeenka, iyadoo uu taliye xigeenka ka badbaaday qaraxa, waxaana qasaare kasoo garay Gaariga la qaxiyey. Sidoo kale waxaa qaraxa qasaare dhaawacyo u badan kasoo gaaray dad shacab ah oo wadadda ku sugnaa.

Ad

Alshabaab ayaa hore qaraxyo noocan oo kale ugu beegsaday mas’uuliyiin kala duwan, waxaana Warkasoo baxay ay ku sheegatay mas’uuliyadda weerarka lagu khaarijin lahaa Taliye ku xigeenka ciidamada Xoogga Dalka Jen. Cabbaas Amiin.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON