Wednesday, December 4, 2024

Faahfaahin: Taliyaha Booliska iyo Xldhibaanno ka badbaaday Qarax is-miidaamin ah

Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliya Jeneraal Cabdi Xasan Xijaar iyo qaar ka mida xildhibaannada cusub ee kasoo jeeda Gobolka Sool ayaa ka badbaaday Qarax is-miidaamin ah oo lagu qaaday Maqaayad ay ku sugnaayeen oo ku taalla Xeebta Liido, magaalada Muqdisho.

Qaraxa ayaa waxaa fuliyay qof is-miidaamiye ah oo isku soo xiray waxyaabaha qarxa, kaasoo isku qarxiyey faafka hore ee maqaaxida, xilli ay kulan Afur iyo casho ah ku lahaayeen xildhibaanada iyo Talaha Booliska oo isku heyb ah.

“Taliyaha Booliska General Xijaar oo aan la hadlay waxa uu ii xaqiijyay inuu badqabo. Waxa uu ku sugnaa goobta qaraxa ee weerarka lagu qaaday. Xildhibaanada wey nabad qabaan” sidaas waxaa qoray afhayeenka Xukuummadda Xildhibaan Macallimuu

Ad

Xildhibaan Cabdi Qawdhan Warsame oo ka mid ahaa xildhibananada ku sugnaa goobta ayaa soo diray farriin ah ‘Inay nabad qabnaan’, waxaana taliyaha iyo xildhibaannada ay ka wada badbaadeen qaraxa lala beegsaday.

Goobta la beegsaday ayaa la sheegay inay casho iyo Afur ku lahaayeen xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya iyo taliyaha ciidanka booliska Gen Cabdi Xijaar.

Qaraxa ayaa dhaliyey dhimashada 6 qof iyo dhaawaca tiro kale oo uu ka mid yahaytaliyaha saldhiga degmada C/Casiis Liibaan Shidane.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON