Tuesday, May 20, 2025

FAAHFAAHIN: Sarkaal ka tirsan Ciidamada Dowladda oo toogasho lagu dilay Magaalada Muqdisho

Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in koox hubeysan ay toogasho ku dishay goor dhoweyd sarkaal sare oo ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya.

Dilka oo ay fuliyeen dabley baitoolado watay ayaa rasaas ku furay sarkaal sare oo ku xilligaasi ku sugnaa agagaarka Suuqa Bacadlaha degmada Xamarweyne ee ku dhow Ceelgaabta, waxaana la sheegay inuu ahaa Gaashaanle lagu magacaabi jiray C/qaadir Ibraahim Cabdulle.

Alshabaab ayaa sheegtay dilka sarkaalkan iyadoo war ay soo saartay ku shaacisay magaciisa iyo inuu ahaa Gaashaanle Sare.

Ad

Dilalka khaarijinta ah ayaa si weyn ugu sii badanaya caasimadda Soomaaliya iyo degmada Afgooye, iyadoo ciidamada dowlada aysan ku guuleysan inay wax ka qabtaan.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON