Sarkaal ka tirsan ciidamada Booliska ayaa ka badbaaday Qarax loo dhigay Gaarigiisa oo ahaa nooca NISSAN SURF xilli uu ku sugnaa Wadadda Maka Almukarama.
Gaariga ayaa u qarxay agagaarka Isgoyska Shaqaalaha ee jidka Maka Almukarama, Magaalada Muqdisho, waxaana la sheegay inuu qof shacab ah dhaawac ka soo gaaray qaraxa, iyadoo sarkaalka loola dan lahaa uu ka badbaaday markii uu ka war helay waxyaabaha qarxa.
Gaariga Qarxay waxaa lahaa Sarkaal ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo magaciisa lagu sheegay Cabdiraxmaan Cismaan Koronto, kaasoo la sheegay in xilliga uu gaarigu qarxay uu ku jiray goob ganacsi.
Wuxuu sheegay markii uu damcay inuu gaariga ku laabto uu arkay Miino hoostaalla, kadibna uu dib uga laabtay, wax yar kadibna waxaa qarxay Gaarigii.
Waa sarkaalkii saddexaad ee ka tirsan Booliska oo muddo toddobaadyo ka badbaada qarax loogu xiro oo dhigo Gaarigiisa magaalada Muqdisho.


