Thursday, April 24, 2025

FAAHFAAHIN: Qodobka ay isku mari waayeen Madaxweynayaasha Somalia iyo Kenya

Kulankii madaxweynayaasha dalalka Kenya iyo Soomaaliya Uhuru Kenyatta iyo Xasan Sheekh Maxamuud oo qaatay muddo saddex saacadood ah ayaa lagu heshiiyay qoddobo dhowr ah iyadoo la isku mari waayay qodobka ugu adag ee arrinta qaxootiga.

Arrimaha lagu heshiiyay waxaa ka mida:

  1. Labada dal ee ‎Somalia‬ iyo‪ ‎Kenya‬ waxay isku raaceen in la fududeeyo isu socodka labada shacab.
  2. Diyaaradaha ka imaanayaa Soomaaliya hal mar keliya ayaa lagu baari doonaa Wajeer, kadibna wax baaritaan ah kuma mari doonaan Nairobi.
  3. Mustaqbal dhow waxaa la bilaaban doonaa Duulimaadyo toos ah oo guddi loo saaray.

Labada dal ayaa isku haya arrinta Qaxootiga Soomaalida ee Kenya ay dooneysa in damaanadqaad cad ay bixiso dowladda Soomaaliya, waqtina loo sameeyo dib u celinta qaxootiga, halka dowladda Soomaaliya ay kaliya dooneysa inaan qasab lagu celin qaxootiga.

Ad

Kulanka labaad ee berito dhex mari doona laba dhinac ayaa lagu wadaa in war-murtiyeed laga soo saaro.

Goobjooge.com

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON