Tuesday, December 10, 2024

Faahfaahin: Qaraxyo lagu weeraray Xerada Tuksom iyo Goobo Ganacsi oo xirtay CCTV

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa qaraxyo maanta ka dhacay magaalada Muqdisho, iyadoo la beegsaday xero ciidan iyo Goobo ganacsi oo mid ka mida ay tahay Gudaha Suuqa Bakaaraha.

Qaraxa hore ayaa lala beegsaday ciidamo la sheegay inay saf ugu jireen Xerada Ciidamada TurkSom si loo qoro, waxaana qof is-miidaamiye ah uu beegsaday ciidamadaasi iyadoo qasaare Dhimasho iyo dhaawac leh lasoo weriyay.

Alshabaab ayaa sheegtay inay is-miidaamiye ka tirsan uu fuliyay weerarka, ayna ku dileen ilaa 32 askari. Hay’adaha Amniga Dowladda Federaalka ayaan ka hadlin weerarkan, mana jirto cid xaqiijisay qasaaraha uu dhaliyay.

Ad

Dhinaca kale Qaraxyo Miino oo lala beegsaday Goobo Ganacsi ayaa saacadihii ugu danbeeyay ka dhacay Goob ganacsi oo ku taala Xaafada Laba Dhagax jidka 30-ka Ee Magaalada Muqdisho.

Goobtan ayaa loo qarxiyay inay fulisay Amarka Hay’adda NISA oo ay xiratay Camera CCTV, waxaana gaaray qasaare xoog leh oo burbur ah.

Sidoo kale Qarax Miino ayaa loo adeegsaday goob ganacsi oo ku taala qeybta Cirtoogte ee Suuqa Bakaaraha, kaasoo qasaare gaarsiiyay Goobtii Ganacsi ee lala beegsaday, waxaana dhaawac kasoo gaaray laba haween ah oo goobta ka dhowaa.

- Advertisement -

Waxaa magaalada Muqdusho kusoo badanaya qaraxyada Miinada ee AlShabaab la beegsaneyso goobaha ganacsiga ee xirtay Kaamerada CCTV, kadib markii ay ku amartay Hay’adda NISA.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON