Faahfaahin dheeraad aha ayaa ka soo baxeysa Qaraxyo is-miidaamin ah oo ka dhacay magaalada Baardheere ee Gobolka Gedo.
Qaraxyadan ayaa la sheegay inay ahaayeen Gawaari ay wadeen is-miidaamiyeyaal oo gudaha u galay xerada ADC ee magaalada Baardheere oo ah goob ciidan oo lagu tababarayey ciidamo cusub oo loo diyaarinayey dagaalka Alshabaab.
Is-miidaamiyaha hore ayaa isku qarxiyay saldhigga, kadibna waxaa la sheegay inay dadkii isugu soo baxay goobta qaraxu ka dhacay uu isku qarxiyay is-miidaamiye kale, iyadoo la soo sheegay in qasaare xoog leh ay dhaliyeen qaraxyada.
Qasaaraha hordhaca ah ayaa sheegaya in dhimashada ay ka badan tahay 5 qof iyo dhaawaca 20 kale, waxaana laga cabsi qabaa in qasaaruhu sii kordho, iyadoo weli uu socdo gurmadka dadka ku waxyeeloobay qaraxyada.
Alshabaab ayaa sheegatay qaraxyada Baardheere, iyadoo qoraal kasoo baxay ay ku caddeeyeen inay 11:30 Barqanimo ay weerarro is-miidaamiyeyaal ah ku qaadeen xarunta ciidamada Xabashida iyo ciidamada dowladda.
Waxaa goobta qaraxyadu ka dhaceen ku dhow saldhigga ciidamada Itoobiya ee Baardheere, waxaana qaraxyada labada gaari u dhaxeeyay muddo 10 daqiiqo ah.