Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa weerarro qaraxyo is-miidaamin ah oo saaka ay Alshabaab ku qaaday xarumo ku yaalla degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan.
Wararka ayaa sheegaya in laba Gaari oo laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa lagu beegsaday Xarun Guri ah oo uu magaalada ka degan yahay xildhibaan Maxamed Abuukar Jacfar oo hoggaaminaya ciidamo loo diyaariyay dagaalka Alshabaab, balse uu ka maqnaa, halka qaraxa kale lagu weerarray Guriga guddoomiyaha degmada Maxaas Muumin Maxamed Xalane.
Sida dadka degaanka sheegayaan qaraxyada oo ahaa kuwo culus waxaa ka dhashay qasaare culus oo dhimasho iyo dhaawac leh, waxaana ku dhintay dad ku dhow 15 qof, iyadoo dhaawacu intaas ka badan yahay.
Weerarradan ayaa waxaa sheegatay Alshabaab, iyadoo ku beegsatay ciidamo iyo maleeshiyaadka Macaawisleyda oo xaruntoodu tahay maxaas.
Waxaa socda gurmadka loo sameynayo dadka ku waxyeeloobay qaraxyada ka dhacay degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan oo saaka dadku ku waabariisteen qaraxyo waaweyn oo ruxay magaaladaasi.
