Alshabaab ayaa sheegatay Qarax is-miidaamin ah oo maanta barqadii lagu dilay Guddoomiyihii degmada Marko ee Gobolka Sh/Hoose guddoomiyihii degmada Marka Cabdullaahi Cali Waafow.
Qaraxa oo ka dhacay xarunta maamulka degmada Marko horteeda, waxaana sidoo kale ku dhimatay 11 ka mida ilaaladiisii, kadib markii ruux is-miidaamiye ah uu beegsaday, iskuna qarxiyay.
Gudoomiye Ku Xigeenka koowaad Magaalada Marko, Saalim Hassan Buraale ayaa sheegay in qofka is-miidaamiyha ahaa uu soo aaday Guddoomiye Waafow oo ku sugnaa bannaanka xarunta degmada, markii la celiyayn ninkaasi uu amray in lasoo daayo, kadibna uuu ninkii is qarxiyay.
War-saxaafadeed kasoo baxay kooxda Al-Shabaab, oo ay baahisay warbaahinta taageerta kooxda, ay Al-Shabaab ku sheegataya mas’uliyadda qaraxa magaalada Marka oo ay sheegtay in lagu beegsaday guddoomiye Waafow.
Dad badan 10 qof ayaa la sheegay inay qaraxa ku dhaawacmeen, kuwaas oo loo qaaday Isbitaallada magaalada Muqdisho.
Dhinaca kale Wasiirka amniga gudaha Maamulka Koonfur Galbeed Maxamed Isaaq Cabdi ayaa ka tacsiyadeeyey geerida ku timid Marxuum Gudoomiye Cabdullahi waafow Gudoomiyihii Degmada Marka , sidoo kale madaxda K/Galbeed iyo dowladda Federaalka ayaa cambaareeyay falka lagu dilay Waafow.