Faahfaahin ayaa kasoo baxeysa qarax maanta lala beegsaday Kolonyo ka tirsan ciidamada AMISOM oo marayey Wado Jid-cadde u dhaxeysa Fagax iyo degmada Heliwaa.
Qaraxa oo ahaa miino dhulka lagu aasay ayaa qabsatay Gaari gaashaaman oo Ciidamada AMISOM leeyihiin, kaasoo burbur xoog leh soo gaaray, waxaana la sheegay in waxyeello kasoo gaartay ciidamada AMISOM oo qaraxa kadib ay rasaas xoog leh furay.
Rasaasta ciidamada AMISOM ayaa waxaa ku dhintay laba qof oo shacab ah oo mid ka mida ay haween tahay iyo oday Gaari dameer watay oo ka ag-dhowaa goobta qaraxa ka dhacay, iyadoo ciidamada AMISOM ay si aan ka fiiri lahayn dhinac kasta u fureen rasaasta.
Dadka degaanka ee goobta tegay qaraxa ka dib ayaa sheegay in sidoo kale ay rasaasta ciidamada AMISOM ku dhaawacmeen ilaa lix qof, ayna jiraan dad kale oo rasaasta ay guryahooda ugu tagtay.
Ciidamada AMISOM ayaa markii qarax lala beegsado waxay rasaas ku furaan dadka ku dhow goobta uu qaraxu ka dhacay, taasoo keenta iyo dad shacab ah ay ku waxyeeloobaan.
