Qarax Miino ayaa ka dhacay degaanka Garasbaaley ee magaalada Muqdisho, kaasoo lagu dilay guddoomiyihii degaankaasi.
Qaraxa oo loo dhigay xilli uu kasoo baxay Masjid uu kusoo tukaday Slaadii Jimcaha ayaa waxaa ku dhintay Guddoomiyihii Deegaanka Garasbaaleey C/raxmaan Axmad Cali Garyare iyo laba ka mida Illaaladiisa.
Qaraxa ayaa la sheegay inay ka danbeeyeen Alshabaab, waxayna Boolisku sheegeen inay baaritaan ku hayaan, iyadoo aanay jirin cid loo qabtay falkan lagu khaarijiyey guddooniyaha Garasbaalley.
Horaantii sanadkan Janaayo 2021 waxaa qarax kan la mida lagu dilay Gudoomiye ku xigeenkii Garasbaaley Cali Maxamed Macalin iyo gudoomiyii dhalinyarada C/rashuud Dubad.
Maamulka Gobolka Banaadir ayaa dhinaca kale ka tacsiyadeeyay geerida guddoomiyihii deegaanka Garasbaaley Cabdiraxmaan Axmed Cali.
