Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya inuu qarax ka dhacay degaanka Garas-baalley, kaasoo geystay qasaare kala duwan.
Qaraxa oo ahaa miinada dhulka la geliyo ayaa la sheegay inuu haleelay Gaari uu la socday guddoomiye ku xigeenka amniga ee maamulka Garasbaaleey oo ay wehliyeen xubno kale, waxaana ku geeriyooday ilaa saddex qof.
Mas’uuliyiinta qaraxa ku dhintay ayaa kala ah: guddoomiye ku xigeenka Garasbaalley Cali Maxamed Macalin iyo guddoomiyaha dhalinyarada degaankaasi Cabdirashiid Dubad iyo Darawalkii Gaariga.
Waxaa la xaqiijiyey geerida mas’uuliyiinta Garasbaaley, iyadoo saddex qof oo kale ay ku dhaawacmeen, waxaana goobta gaaray ciidamada maamulka Garasbaalley oo halkaasi ka qaaday dadkii dhimashada iyo dhaawaca ku noqday qaraxaasi.
