Wararka laga helayo magaaalda Jowhar ee xarunta maamulka Hirshabeelle ayaa sheegaya in Qarax Miino uu ka dhacay Suuqa Xoolaha ee magaaladaasi.
Qaraxa oo ahaa Miinada la aasayo ayaa la geliyay Goob ay fariistaan ciidamada, waxaana u dhintay Daahir Maxamed Kaante oo ahaa Sarkaalka ka tirsan dowlada hoose ee degmada Jowhar.
Sidoo kale waxa Qaraxa ka dhacay Suuqa Xoolaha ee magaalada Jowhar dhaawac ka soo gaaray afar askari oo ka tirsan Ciidamada dowlada.
Goobta qaraxu ka dhacay ayaa la sheegay inay gaareen mas’uuliyiin iyo ciidamo ka tirsan maamulka degmada Jowhar oo goobta ka qaadya meydka sarkaalka iyo askarta dhaawaca ahayd.
Daahir Maxamed Kaante masuulka qaraxa lagu dilay