Wednesday, February 19, 2025

Faahfaahin: Qarax ka dhacay Kismaayo iyo Ciyaartoy badan oo dhimasho iyo dhaawac ku noqday

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helay qarax ka dhacay magaalada Kismaayo ee maamulka Jubbaland, kaasoo lala beegsaday bas ay saarnaayeen koox ciyaartoy ah.

Wararkii ugu danbeeyay ee qaraxa ayaa sheegay inay ku dhinteen 4 ciyaartoyo, qaar kalena ay ku dhaawacmeen, markii qarax lagu sheegay in loogu xiray gaarigii siday kooxda Ciyaartoyda ah.

Ciyaartooyda ayaa la sheegay inay ku sii socdeen garoonka kubada cagta ee Stadium Waamo ee magaalada Kismaayo, xilligii uu qaraxu haleelay, waxayna uga qeybgali lahaayeen ciyaarta kooxaha Heerka Koowaad oo maanta uu doonayey inuu daahfuro madaxweyne ku xigeenka Jubbaland.

Afar ka tiranaa ciyaartooyda ayaa la xaqiiniyay in ay qaraxa ku dhinteen iyadoo uu dhaawac soo soo gaaray, kuwii kale, kuwaas oo hada lagu dabiibayo Isbitaalka Kismaayo.

Ad

Qaraxa ayaa warar hore u soo baxay sheegayaan inuu ahaa i-midaamin, laakin warar kale sheegeen inuu ahaa qarax lagu xiray Gaariga.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON