Wararka laga helayo magaalada Beledweyne ayaa sheegaya inuu Qarax Miino uu maanta ka dhacay Guriga uu Magaalada uu ka deganaa taliye ku xigeenkii hore ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Generaal Mukhtaar Xuseen Afrax.
Qaraxa ayaa ka dhacay Guriga dhexdiisa, waxaana ahaa Miino dhulka lagu Aasay, waxaana sidoo kale guriga qaraxu ka dhacay wax ka deganaa Gudoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan Cumar Baadiyow.
Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Hiiraan ayaa sheegay inuu qaraxa dhacay xilli labadda Mas’uul ay guriga ka maqnaayeen, isla markaana ay jireen xerada Ciidanka ee lamagalaay.
Waxaa Qaraxa ku dhintay qof haween ah, waxaana ku dhaawacmay labo qof oo kale. Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in Jen. Mukhtaar uu beeniyay inuu gurigaasi uu isagu deganaa.