Askar ka titsan ciidamada dowladda ayaa qasaare dhimasho iyo dhaawac leh kasoo gaaray qarax miino oo ka dhacay agagaarka degaanka Siinka Dheer ee duleedka Muqdisho.
Qaraxa oo ahaa miinada dhulka la geliyo ayaa qabsaday gaari ay wateen ciidamada dowladda, waxaana la xaqiijiyey inay ku dhinteen laba askari, halka afar kale ay ku dhaawacmeen iyo qasaare kale oo soo gaaray dad shacab ah.
Gaariga ay wateen ciidamada oo ahaa nooca Toyota Land Cruizer (Cabdi Bille) ayaa burbur xoog leh kasoo gaaray qaraxa, waxaana halkaasi laga qaaday askartii dhimatay iyo kuwii dhaawaca ahaa.
Qaraxa kadib ayaa la sheegay inay ciidamada ee ka mid ahaa kolonyada qaraxu qabsaday ay fureen rasaas fara badan, waxaana hakaday isku socodka dadka iyo Gaadiidka Ceelasha Biyaha.