Faahfaahin ayaa kasoo baxeysa qarax saaka ka dhacay saldhig ay ciidamada xasilinta caasimadda ee Booliska Milateriga ku leeyihiin degmada Deyniile ee Gobolka Banaadir.
Qaraxa ismiidaamin ah ayaa lagu weeraray xerada ciidankan ee ku taalla xaafada Siisii ee degmada Dayniile, waxaana qaraxa oo laga maqlay qeybo ka mida caasimadda, kadib xigay rasaas xoog leh oo goobta ka dhacday.
Gaariga Qaraxa ee is-miidaaminta ahaa ayaa lagu dhuftay saldhigga ciidamada, waxaana lasoo weriyay Qasaare lix qof oo dhaawac ah iyo qofkii is-miidaamiyay oo ku dhintay.
Wararka ayaa sheegaya in Gaariga qaraxa siday ay rasaaseeyeen ciidamadii goobta ku sugnaa, kadibna u ku qarxay bannaanka saldhigga ciidamada, wuxuuna geystay burbur xoog leh oo gaaray dhismooyinkii halkaasi ka ag dhowaa
Ujeedka is-miidaamiyaha ayaa ahaa inuu Gaariga qaraxa gudaha u geliyo saldhigga ciidamada Booliska Milateriga, balse ay u suurageli weyday, waxaana qasaaraha yareeyay in ciidamada ay rasaaseeyeen.
Ma jirto wax War ah oo kasoo baxay laamaha Amniga dowladda iyo Maamulka Gobolka Banaadir oo ku saabsan qaraxa saaka ka dhacay Muqdisho, balse Alshabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxa.