Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax is-miidaamin ah oo goor dhoweyd ka dhacay Dhabarka danbe ee Xarunta Maamulka Gobolka Banaadir.
Qaraxa oo uu fuliyay qof is-miidaamiye ahaa oo isku soo xiray waxyaabaha qarxa, ayaa la sheegay inuu isku dhex qarxiyay kasoo horjeedka Maqaayada Jawi Coffee oo ku taalla waddada dhinac danbe ka marta xarunta Maamulka Gobolka Banaadir.
Qofka is-miidaamiyaha ahaa oo laga shakiyay ayaa is qarxiyay markii laga warhelay oo ciidamada amniga ay dabagaleen, waxaana wararkii ugu horeeyay ay sheegayaan inuu geystay qasaare dhimasho iyo dhaawac leh.
Ugu yaraan saddex Qof ayaa la sheegay inay ku geeriyoodeen Qaraxa, halka dhowr kale ay ku dhaawacmeen, waxaana la xieay agagaarka goobta qaraxa oo qeyb ahaan ka mida Suuqa Xamarweyne.
Taliska Booliska Gobolka Banaadir ayaa sheegay in Qof naftii haliga ahaa uu isku qarxiyay bannaanka hore ee maqaayada Al-Hindi oo ku taala degmada Xamarweyne, xilli ay eryanayeen ciidamada ammaanka.
Booliska ayaa xaqiijiyay inay qaraxa ku dhinteen 3 ruux, halka ay ku dhaawacmayn laba qof oo goobta ka ag-dhawaa.