Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa Qarax is-miidaamin ahaa oo ka dhacay magaalada Gaalkacyo ee bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in qarax ismiidaamin ah uu ka dhacay magaalada Gaalkacyo, gaar ahaan qeybteeda Koofureed ee magaalada ee ay ka taliso dowlad goboleedka Galmudug.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in qaraxa uu ka dhacay afaafka hore ee garoonka Cabdullaahi Ciise, halkaasoo ay ku sugnaayeen dadweyne badan oo soo dhaweyn lahaa Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo booqan lahaa Magaalada.
Qaraxa ayaa la sheegay inuu fuliyay qof isku soo xiray walxaha qarxa, oo isku qarxiyay goob ay ku sugnaayeen ciidamo iyo qaar ka mid ah ilaaladdii horudhaca aheyd ee Ra’isul wasaaraha, oo xilliga qaraxa dhacayay la sheegay in Garoonkaas laga sugayay.
Dadka Qaraxa ku geeriyooday, waxa kamid ah Taliyihii Qaybta 21-aad ee Ciidamada Milateriga Soomaaliya Gen Qooje Dagaari, Duqii hore ee Gaalkacyo Qaybta Puntland Maxamud Yaasiin Tumay iyo Saraakiil kale ,waxa sida oo kale jira shacab inkasta oo aan la xaqiijin karin tirada rasmiga ah ee dhimatay ama dhaawacantay.
Waxaa qaraxa ku dhaawacmay sarkaal ka tirsan ciidamada, iyadoo uu qaraxu dhacay inta uusan garoonka gaarin Ra’iisal wasaare Rooble oo lagu soo dhoweyn lahaa.
