Faahfaahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaysa Qarax is-miidaamin ah oo loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa oo saaka ka dhacay agagaarka Koontaroolka laga ilaaliyo Madaxtooyada Soomaaliya ee Is-goyeska Sayidka ee magaalada Muqdisho.
Wararka ayaa sheegaya in Gaariga qarxay oo noociisu ahaa NOAH uu xoog ku soo jiiray barta Gaadiidka lagu hubiyo ee isgoyska Dabka, waxaana rasaas ku furay ciidamada amniga,wuxuuna ku qarxay meel u dhow barta koontaroolka ee ciidamadu ku leeyihiin Isgoyska Sayidka.
Waxaa la xaqiijiyey inuu hal qof oo shacab ah ku dhintay qarax, iyadoo dhowr qof oo aklean ay ku dhaawacmeen, sidoo wuxuu qaraxa geysatay kale burbur xoog leh oo ka dhashay, waxaana waxyeelo kasoo gaartay Gaadiid goobta ku sugnaa.
Booliska oo war kasoo sarya qaraxa ayaa sheegay in saaka 13-Feb-2021 abaare 9:10 AM, gaari argagixisadu ku soo rartay walxaha Qarxa nuuciisuna ahaa NOAH 3 albaab ah, uu soo jiiray barta hubinta gaadiidka ee u dhow isgoyska Dabbka ee Ciidanka Boliiska, Ciidanka oo rasaaseynaya ayuu soo gaaray barta hubinta gaadiidka ee u dhaw isgoyska Sayidka ee laga hubiyo gaadiidka galaya Madaxtooyada.
Taliska Booliska aya sheegay inuu qaraxa dhaliyey dhaawac oo gaaray ilaa 7 qofood iyo burbur hantiyeed oo ah 8 gaadiid ah iyo 9 Mooto Bajaaj, iyadoo aysan jirin qasaare dhimasho ah, marka laga reebo naftii haligihii waday gaariga qarxay.
