Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Qarax Miino oo lala eegtay Gaari Toyota Hilux ah oo ay wateen askar ka tirsan ciidamada Somalia.
Gaariga ayaa xilliga qaraxa Miinadauu haleelay wuxuu marayey agagaarka Isbitaalkii hore ee Deva, Carwadii hore ee degmada Hodan, waxaana la sheegay inuu qaraxu dhaliyey qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac isugu jira oo soo gaaray ciidamadii la socday gaariga.
Wararka ayaa sheegaya inuu darawalkii Gaariga ku geeriyooday Qaraxa, iydoo uu dhaawac kasoo gaaray askari kale oo gaariga la socday. Waxaa goobta gaaray Ciidamada Amniga ee Booliska magaalada Muqdisho, iyagoo halkaasi ka qaaday dadkii ku waxyeeloobay..