Thursday, March 20, 2025

Faahfaahin: Qarax Caawa ka dhacay magaalada Muqdisho iyo Booliska oo War kasoo saaray

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helay Qarax Miino oo Caawa ka dhacay Waaxda Kacaan, degmada Hodan ee gobalka Banaadir.

Afhayeenka ciidamada Booliska Soomaaliya Sadiiq Aadan Cali (Dodishe) ayaa sheegay in ciidamada Booliiska y fashiliyeen qarax Miino oo Al-shabaab ay ku tuureen waaxda Kacaan ee degmada Hodan.

Wuxuu intaas ku daray inuusan qaraxu wax khasaare ah geysan, kadibna ay ciidamada Amniga baaritaano ka wadaan halka uu qaraxa ka dhacay, islamarkaana ay xireen goobta uu qaraxa ka dhacay.

Ad

“Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, ayaa fashiliyay qarax miino oo ay argagixisadu ku tuureen Degmada Hodon, gaar ahaan Waaxda Kacaan dhabarka dambe ee Kaalinka Shidaakka ee HAAS, wax qasaaraha oo naf iyo maalba leh ma geysan. Ciidanka Boliiska ayaa goobta xiray.” ayuu yiri Afhayeenka Booliska.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON