Faahfaahino dheeraad ah ayaa laga helay weerar loo adeegsaday Bam gacmeed oo xalay ka dhacay magaalada Muqdisho; gaar ahaan bar ay ciidamada ku leeyihiin isgoyska degmada Howlwadaag.
Qaraxa bamka ayaa waxaa ku dhaawacmay askari iyo laba qof oo shacab ah, waxaana markaas kadib askari ka tirsan ka tirsan ciidamada amniga uu toogasho ku dilay ninkii weerarka geystay oo la sheegay inuu ka tirsanaa Alshabaab.
Askarta toogashada ku dilay ninka weerarka Bam-ka ah geystay ayaa la sheegay inay ka tirsanaayeen ciidamada Nabadsugidda, qeybta dhar-cadka loo yaqaan ee ka howlgala suuqa Bakaaraha, Magaalada Muqdisho.
