Sunday, February 16, 2025

Faahfaahin: Nabadoon lagu dilay Muqdisho & Alshabab oo shaacisay inuu la shaqeyn jiray Sirdoonka Mareykanka

Dabley ka tirsan Alshabaab ayaa xalay toogasho ku dishay Oday Nabadoon ahaa, kadib weerar ka dhacay xaafadda Gubta ee degmada Dayniile, Gobolka Banaadir.

Odaygan ayaa magaciisa lagu sheegay C/risaaq Yuusuf Siicow (Shabeel), waxaana ku dhacay dhowr xabadood oo sababay inuu isla goobta ku dhinto, waxaana baxsaday dableydii dilka geysatay, iyadoo ay markii danbe sheegatay Alshabaab.

Wararka ayaa sheegaya in dableyda falkan geysatay ay wateen Gaari iyagoo ku hor gooyey Nabadoonk oo xilligaasi kasoo baxay Masjid uu ku soo dukaday salaadii cishaha. waxaana halkaasi gaaray ciidamada Amniga oo baaritaan aan natiijo kasoo bixin sameeyay.

Ad

Alshabaab oo War kasoo saartay dilka nabadoon C/risaaq Shabeel ayaa ku eedeysan inuu ka mid ahaa saraakiisha Soomaalida ee la shaqeysa Sirdoonka dowladda Mareykanka ee CIA-da, waxayna intaas ku dareen inuu kaalin ku lahaa culimadii Mareykanka loogu gacan geliyey xiligii ka horeeyay Maxkamadaha Islaamiga ee hoggamiye kooxeedyada Muqdisho.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON