Faahfaahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaysa Qarax Miino oo maanta lala beegsaday Gaari ay la socdeen laba xildhibaan oo hore oo kala ah Muxidiin Xasan Afrax iyo Xuseen Caraalle Caddaan, iyadoo uu dhaliyey qasaare dhimasho iyo dhawac leh.
Qaraxa ayaa ka dhacay agagaarka Igoyska Beyxaani, jidka u dhaxeeya Shibis iyo Kaaraan, iyadoo miino wadda dhinaceeda dhinac Kaaraan loo dhigay lagu qarxiyey, waxaana ku gereiyooday qaraxa 3 askari oo ilaalo u ahaa xildhibaan hore Muxudiin Xasan Afrax oo hadda ah Nabaddoon.
Waxaa dhaawac culus kasoo gaaray Xildhibaan hore Xuseen Carraale Caddana oo la dhigay isbitaalka Digfeer ee magaalada Muqdisho, halka Nabaddoon Muxidiin Xasan Afrax uu dhaawcihiisu ahaa mid aad u fudud oo lugta kasoo gaaray.
Waa marii labaad ee Nabadoon Muxyadii Xasan Afrax uu ka badbaado Qarax Miino, iyadoo hore qarax midkan la mida lala beegsaday 29-kii Disembar 2020.
Miinooyika dhulka la dhigo ee lala beegsado gaadiidka mas’uuliyiinta ayaa si weyn ugu soo kordhay magaalada Muqdisho, iyadoo ay u muuqdaan kuwo maalinta noqonaya qaraxyadaasi.
