Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa Qarax Miino oo maanta lala beegsaday ciidamada Booliska gaarka ah ee Haramcad ee ku sugnaa agagaarka Ceelashada Biyaha, duleedka magaalada Mudisho.
Miinada ayaa lagu xiray Geed ay harsan jireen ciidamada ciidamada Booliska gaarka ah Haramcad, kuwaasoo suga amniga dhismaha Jidka Muqdisho iyo Afgooye, waxaan qaraxa ku dhaawacmay 4 askari oo ka tirsan ciidamada.
Ciidamadan la qarxyey ayaa ilaalo ka haya shaqaallaha shirkadda Turkiga ee dhisaysa laamiga u dhaxeeya Muqdisho iyo Afgooye. Hore ayey Alshabaab qaraxyo badan jidkaasi uga geysatay.
Alshabaab ayaa adeegsada farsoomin badan si ay qarxyo ula beegsaday ciidamada iyo saraakiisha dowladda, mana aha markii ugu horeysay ee Geed dushiisa Miino ku xiraan si ay u qarxiyaan.