Wararka laga helayo deegaanka Godinlabe ee duleedka Magalada Cadaado, Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in degaankaasi laga helay gabar yar oo meyd ah.
Dadka degaankaasi ayaa arkay meydka Gabadha yar oo da’deeda lagu sheegay 10 sano jir, waxaana jirkeeda ka muuqday jirdil loo geysatay, iyadoo aan la garaneyn cidda falkaasi ka danbeysay, waxaana la aqoonsaday gabadha yar magaceeda lagu sheegay Sagal Garaad Axmed.
Falka naxdinta leh ayaa keenay inay dad badan isugu soo baxaan goobta meydka gabadha yar laga helay, iyadoo weli hay’adaha amniga ee degaankaasi aysan bilaabin baaritaanka kiiskan.