Meydad ku dhow 50 qof oo tahriibayaal ah ayaa laga helay Gaari nooca xamuulka qaada ah oo la dhigay, kadibna looga tegay duleedka magaalada San Antonio, ee gobolka Texas ee dalka Mareykanka.
Dad kale 16 qof oo kale oo ay ku jiraan 4 caruur ah ayaa isbtaalka loola cararay xaaladooda caafimaadna ay tahay mid culus, iyadoo la sheegay inay neef qabatoobeen. Dadka iyagoo nool loogu tegay Gaariga ayaa la sheegay inuu aad u kululaa jirkooda.
Magaalada falkan ka dhacay ee San Antonio, ayaao 250 km u jirta xuduudka dalka Mexico ayaa ah waddada ay dadka soo mariyaan dad wax tahriibiya, waxaana la rumeysan yahay inay yihiin dadka laga soo tahriibiyey Mexico si Mareykanka loo geeyo.
Charles Hood, oo ah madaxa shaqaalaha dab damiska San Antonio , ayaa sheegay in shaqaalaha gurmadka degdega ah ay yimaadeen goobta ka dib markii ay heleen warar sheegaya in halkaasi uu yaallo qof meyd ah.
Sida laga soo xigtay kanaalka KSAT TV, gaariga ayaa laga helay agagaarka waddooyinka tareenada ee dhanka Koonfur-galbeed ee San Antonio.
Tiro badan oo shaqaalaha gurmad deg deg ah, oo ay ku jiraan booliiska, dab damiska, iyo kuwa ambalaasta, ayaa la arkayay iyaga oo ku hareeraysan gaariga weyn ee meydadka laga dhex helay.
Taliyaha booliiska magaalada San Antonio William McManus ayaa sheegay in baaritaanka hadda lagu wareejiyay wakiilo ka socda dowladda federaalka Mareykanka ee FBI, saddex qofna ay xabsiga ku jiraan.
Wasiirka arrimaha dibadda ee Mexico, Marcelo Ebrard, ayaa sheegay in qunsulka dalkaasi uu ku sii jeedo goobta laga helay diyaaradda, balse waxa uu intaa ku daray in dadka dhintay aan weli la aqoonsan dalalka ay u kala dhasheen.
Waa dadkii ugu badnaa ee tahriibayaal ah oo meydadkooda laga helay gudaha Mareykanka muddooyinkan danbe, waxayna arrintan mar kale soo shaac bixisay dhibaatadda ka taagan tahriibka sharci darrada ah ah ee Mareykanka.