Fal dil ah oo aan hore loo arag ayaa ka dhacay Xarunta Maxkamadda Magaalada Jowhar ee caasimadda Hirshabeelle, kadib markii askari uu rasaas ku furay eedeysanayaan Maxkamadda la hor keenay.
Wararka ayaa sheegaya in Maxkamadda lagu dhex dilay laba maxbuus oo loo heystay Dilka wiil yar, kuwaas oo dacwadoodu socotay, waxaana marka falku dhacay soo dhammaatay dhageysiga dawacadda, iyadoo laga soo saaray maxaabiista qolka dhagaysiga maxkamada.
Waxaa rasaas ku furay labada maxbuus Askari la sheegay inuu aabe u ahaa wiilka la dilay ee raggan lagu eedeeynayo inay dileen, waxaana arrintan ay dhalisay xaalad naxdin ah oo ka taagan magaalada Jowhar.
Askariga dilka geystay ee hore wiilkiisa loo dilay ay baxsaday, waxaana la sheegay inuu ka mid ahaa ciidamada degaanka degmada Jowhar.