Saturday, March 22, 2025

Faahfaahin: Mas’uuliyiinta Geeriyootay & kuwa ku dhaawacmay Qarixii xarunta G/Banaadir

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax ka dhacay xarunta Gobolka Banaadir oo geystay qasaare dhimasho iyo dhaawac leh, waxaana qaraxa la sheegay inu ahaa is-miidaamiye gudaha u galay xarunta xilli uu shir ka socday.

Dad badan ayaa ku dhintay qaraxa, waxaana ku dhaaawacmay kuwo kale iyadoo guddoomiyaha Gobolka banaadir ahna Duqa Muqdisho uu dhaawac culus kasoo gaaray qaraxa, isagoo qalliin lagu sameeyay isbitaalka Digfeer ee magaalada Muqdisho, halkaasoo dhaawiciisa la dhigay waxaana firir badan uu ka galay qeybta sare iyo caloosha.

Mas’uuliyiinta ku dhintay qaraxa waxaa ka mida:

1- Guddoomiyaha Degmada Waaberi Mahad Cilmi Cali 

Ad

2- Guddoomiyaha Degmada Cabdicasiis Sabaax Asad

3- Guddoomiyihii degmada Shangaani Sahra Markeyzi

4- Agaasimihii Nadaafadda Gobalka Banaadir Cabdifitaax Cumar Xalane oo u geeriyooday dhaawac culus oo soo gaaray

- Advertisement -

5- Agaasimaha Shaqada iyo Shaqaalaha gobalka Banaadir Cabdullaahi Dheere, wuxuu isna u geeriyooday dhaawac soo gaaray

6- La-taliyaha sharciga Duqa Muqdisho Avv. Xasan Maxamed Sabriye

Waxaa kaloo dhintay saraakiil iyo mas’uuliyiin kale oo goobta ku sugnaa oo weli la xaqiijinayo.

Mas’uuliyiinta ku dhaawacmay

1- Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna duqa Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan,

- Advertisement -

2- Afhayeenka gobalka Banaadir Saalax Cumar Xasan

3- Guddoomiyaha degmada Wardhiigley

4- Waxa kaloo ku dhaawacmay dad fara badan oo isugu jira mas’uuliyiin rayid ah iyo saraakiil

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON