Ciidamadada Boliiska Gobolka Banaadir ayaa soo bandhigay inay gacanta ku soo dhigeen Nin dil naxdin leh u geystay Abtigiis iyo Hooyadii oo Guri ku wada noolaayeen.
Qoraal kasoo baxay Taliska Booliska ayaa lagu sheegay inay qabteen Gacan ku dhiigle Maxamed Xasan Cali Dhiblaawe loona taxaabay xabsiga, isagoo ku eedeysan dilka hooyadiis Marxuumad Muraayo Muxumud Siyaad 55 sano jir aheyd iyo abtigiis Marxuum Yuusuf Muxumud Siyaad 85 jir ahaa.
“Waxaana la baarayaa xaaladiisa caafimaad ee dhimirka si looga sal gaaro sababta ku kaliftay in uu dilo waalidkiis” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Taliska Booliska gobolka Banaadir.
Qoyska ninkan ayaa faahfaahin ka bixiyay falkan oo xalay ka dhacay xaafada War-laliska ee degmada dayniile, waxayna sheegeen inuu ahaa Nin Madaxa looga jiro oo muddo 6 bilood ah ku jiray Isbitaalka Xabeeb, isla markaana dhagool ah.
Sidoo kale Ninka dilka u geystay Hooyadsiis iyo Abtigiis oo waayeel ahaa ayaa la sheegay inuu Mindi ku gowracay markii hore Abtigiis, isla markaana hooyadiis oo isku dayday inay ka celiso uu Mindi Wadnaha iyo meelo kale ka geliyay, kadibna uu iska seexday gurigii uu dilka ka geysta.y
Hooyada la dilay ee Muraayd Muxumed ayaa wiilkaas oo kaliye ka lahayd ubad, waxayna ku talo jireen in dhaqan celin dib loogu celiyo intii aanu dilka geysan oo gacantiisa aysan sababsan.