Faahfaahin ayaa laga helayaa dagaal ay Alshabaab ku qaadeen xaruntii ciidamada dowladda ee Degmada Ruun Nirgood, kaasoo geystay qasaare culus.
Wararka laga helay dadka degaanka ayaa sheegaya in maleeshiyada Degaanka iyo Ciidamada Dowladda ay iska caabiyeen Weerarkii Alshabaab, iyadoo dagaal adag la galay, isla markaana gaarsiiyey qasaare culus.
Weerarka Alshabaab ayaa ku bilowday Qaraxyo is-miidaamin, ayay Al Shabaab sheegatay inay ku dishay 51 askari oo ah ka mida ciidamada Gorgor, kuna gubtay 8 baabuur, kadib markii ay cagta marisay saldhigii ciidamada, sida uu sheegay afhayeenkooda Sheekh C/caziiz Abuu Muscab.
Dhinaca Taliska ciidamda milateriga Dowladda ayaan weli faahfaahin ka bixin dagaalka saaka ka dhacay Ruun-Nirgood. Waxaa go’an isgaarsiinta degaanka Ruun-Nirgood, iyadoo ay gurmad u tageen ciidamada kale.
Alshabaab ayaa kordhisay weerarrada ay ku hayaan saldhigyada ciidamada dowladda ee Gobolka Sh/Dhexe, kadib markii ay hakadeen dagaalka ciidamada dowladda iyo dadka degaanka.
