Wednesday, May 1, 2024

Faahfaahin laga helay Weerar Alshabaab ku qaaday duleedka magaalada Beledweyne

Faahfaahin ayaa laga helay weerar ay maanta Alshabaab ku qaaday degaanka Baardheere ee Koonfurta magaalada Beledweyne, kaasoo dhaliyay Qasaare kala duwan.

Al-Shabaab ayaa sheegtay in weerar ay saaka aroortii ku qaadday saldhig ay ciidamada dowladda iyo kuwa deganaka ku leeyihiin duleedka magaalada Beledweyne ay ku dishay 15 askari, iyadoo la wareegtay degaankaasi.

“Al-shabaab waxay saakay oo Arbaco ah weerar ku qaaday saldhiga ciidamada dowladda ee deegaanka Baardheere ee duleedka Baladweyne ee Hiiraan, waxayna si buuxda gacanta ugu dhigeen saldhiga..” ayaa lagu yiri qoraal ay baahisay warbaahinta taageerta kooxda Al-Shabaab.

Ad

Dhinaca kale saraakiisha ciidamada Gobolka Hiiraan ayaa sheegay inay iska caabiyeen weerarka Alshabaab, ayna qaarsiiyeen qasaare culus.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON