Saturday, March 15, 2025

Faahfaahin laga helay Qarax si yaab leh oo loogu dilay Taliye ka mida Milateriga Gobolka Gedo

Faahfaahin dheeraad ah aya kasoo baxeysa qarax lama filaan ah oo lagu dilay taliye ka tirsan ciidamada xoogga dalka ee ka howlgala Gobolka Gedo.

Kabtan Maxamed Aweys ayaa ka mid ahaa Saraakiisha ugu sareysa ciidamada Dowladda ee Gobolka Gedo, ayaa ku dhintay Qarax Miino oo loogu xiray saririta Qolka uu ka deganaa xeradda ciidamada, iyado lagu qarxiyay, laguna waxaana taliyaha keligiis.

Waxaa arintan xildhibaan C/llaahi Aadan Kulane, isagoo sheegay inuu yahay sarkaalkii labaad oo si beegsi ah loogu dilo Gobolka Gedo, isagoo laguu yaqaanay geesinimo iyo inuu u taagnaa difaaca dalkiisa.

Ad

“Saraakiisha Gobalka waa inay ka digtoonaadaan dhagarta Cadowga oo aan aragno inay isticmaalayaan xeelad walba oo lagu beegsan karo. Baaritaan ayaa loo baahanyahay in deg deg loo sameeyo” ayuu yiri xildhibaan Kulane.

Hore waxaa Gobolka Gedo Qarax Gaarigiisa loogu xiray lagu khaarijiyey taliyihii NISA ee Gobolka Gedo Bakaal Kooke, kaasoo ay sheegtay Alshabaab, balse wax baaritaan ah lagu sameyn.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON