Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa qarax ka dhacay Suuqa ugu weyn dalka ee Bakaaraha, magaalada Muqdisho.
Qaraxa oo warar kala duwan kasoo baxeen ayaa la sheegay inuu ahaa Haan Gaas oo ku qaraxday Goob Ganacsi oo lagu magacaabo Waayarag Elecrtronic. Qaraxa ayaa loo maleeyay mid ka dhashay waxyaabo qarxa, taasoo keenay inay ciidamada amniga halkaasi tagaan.
Wararka ayaa sheegaya in qaraxa dhaliyey qasaare dhaawac saddex qof iyo burbur gaaray hanti oo goobta ganacsi soo gaaray, iyadoo ay tahay markii ugu horeysay ee qarax noocaan ah ka dhaco Suuqa weyn ee Bakaaraha.
