Wednesday, February 19, 2025

Faahfaahin laga helay Oday lagu dilay xaafad ku dhow Madaxtooyada Somaliya

Koox Bistoolado ku hubeysan ayaa saaka dil khaarijin ah ka geysatay xaafadda Horseed ee degmada Xamar-jajab oo u dhow Goobta Ceelgaab ee laga ilaaliyo Madaxtooyada Soomaaliya.

Dableyda Alsabaab ayaa falkan fulisay ayaa weerar ku qaaday Nin oday ah, kadibna goobta. ka baxsaday markii ay dileen. Ninka la dilay ayaa lagu Magacaabi jiray Faqi Cabdulle Mayoow, waxayna ehelkiisa sheegeen inuu deganaa Afgooye iyo Muqdisho, isla markaana uu ahaa Nabaddoon.

Alshabaab oo dilkan sheegatay ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay inuu Fiqi Cabdulle ahaa Guddoomiye ku xigeenka Maaliyada degmada Awdheegle, isla markaana uu ka tirsanaa Hay’adda NISA, waxayka ku eedeeyeen inuu xubno NISA ah geeyay degaanada Awdheegle.

Ad

Ciidamada Amniga dowladda ayaa tegay Goobta uu dilku ka dhacay, waxaana ay ku dhaqaaqeen howlgal lagu raadinayo dadkii ka danbeeyay falkaasi oo ka dhacay goob ay ku badan yihiin ciidamada Amniga dowladda.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON