Dabley hubeysan ayaa maanta degmada Dayniile ee caasimadda Muqdisho ku dishay Nabadoon ka soo jeeda Beesha Gaaljecel iyo Sarkaal la socday.
Falka dilka ayaa ka dhacay degaan ka tirsan Degmada Dayniile, waxaana koox Bistoolado ku hubeysan la sheegay inay toogasho ku dileen Nabaddoon Muuse Haaruun Aadan.
Sidoo kale waxaa goobta lagu dilay sarkaal lagu magacaabo Nuur Xuseen Calasow (Nuur Dheere) oo nabaddoonka la socday, kaasoo Gaariga waday, lana sheegay inuu ahaa gacanyaraha Ugaaska Beesha Gaaljecel.
Qoyska Nabadoonka ayaa sheegay in meydka la geeyay Isbitaalka Digfeer, isla markaana laamaha amnoiga ay u sheegeen inuu socdo baaritaan ku saabsan ciddii ka dambeysay dilka.
Alshabaab ayaa lagu eedeeyay dilka nabadoonka iyo sarkaalka, waxaana la xaqiijiyay inay hore weerar noocan oo kale ah ugu dhaawaceen Nabaddoonka, laguna soo daweeyay dbadda.