Tuesday, December 10, 2024

Faahfaahin laga helay Duqeyn ka dhacday Magaalada Jilib iyo Dad ku dhaawacmay

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa Duqeyn xalay ka dhacday magaalada Jilib ee Gobolka J/Dhexe oo ah xarunta ugu weyn ee Alshabaab iyo caasimadooda.

Diyaarad Drone oo la sheegay inay leeyihiin ciidamada Mareykanka ayaa Gantaallo ku garaacday Guri kuyaalla degmada Jilib, kaasoo la sheegay inay ku jireen xubno ka tirsan AlShabaab.

War kasoo baxay Alshabaab ayaa lagu sheegay inay Diyaaradaha Mareykanka duqeeyeen Guri ay deganaayeen Dad shacab ah oo Gantaal ku dhacay meel u dhow, iyadoo ay ku dhaawacmeen laba qof oo shacab ah oo ay ku jirto Gabar yar oo 11 sano jir ah.

Ad

Alshabaab ma sheegin qasaaro duqeynta kasoo gaaray xubnaheeda, waxayse sheegtay inuu burbur soo gaaray Guriga, dadkana ay ahaayeen shacab.

Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Taliska ciidamada Mareykanka ee AFRICOM iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON