Tuesday, September 17, 2024

Faahfaahin laga helay Duqeymo Cirka ah oo lagu qaaday Saldhigii Alshabaab ee Ruunirgood

Dowladda Soomaaliya ayaa shaacisay in ka badan 19 ka tirsan maleeshiyada Alshabaab in lagu dilay hawlgal ay iska kaashadeen Ciidanka Xoogga Dalka iyo saaxiibada caalamka oo ka dhacay degaanno ka kala tirsan gobollada Galgaduud iyo Shabeellaha Dhexe.

Duqeyntan ayaa la sheegay inuu socday 24-saac ayaa ka dhacay tuulada Geed Ma’arke oo hoos tagta Degmada Ruunirgood, halkaas oo ay isku diyaarinayeen maleeshiyada Alshabaab.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta ayaa lagu sheegay in goobtaas lagu dilay ilaa iyo 14 ka tirsan Khawaarijta Alshabaab, halka Hawlgalka labaad alagu beegsaday goob Isbaaro u ahayd Alshabaab oo ku taalla deegaanka Ceel Heelle, laguna dilay 5 xubnood oo kale.

Ad

Duqeynta labaad ayaa ee Barta Ceel Heelle ayaa lagu burburiyay Gaadiid dagaal oo Alshabaab kala baxsadeen duqyentii hore, Waxaana lagu gubay Gaari Cabdi-Bile ah iyo gaari Booyad ah.

Ciidanka Xoogga Dalka oo kaashanaya geesiyaasha shacabka Soomaaliyeed iyo saaxiibada caalamka ayaa labo jibbaarey howlgallada ka dhanka ah Khawaarijta, iyadoo dowladda ay ka go’antahay ciribtirka cadowga Khawaarijta ah.

Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dhinaca Alshabaab, waxayna duqeymaha lagu qaaday noqonayaan kuwii ugu horeeyay ee muddooyinkan si toos ah loogu beegsado Maleeshiyada Alshabaab.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON