Thursday, March 27, 2025

Faahfaahin laga helay Dagaal lagu hoobtay oo maanta ka dhacay Degaan ka tirsan Moqokori

Faahfaahin dheeraad aha ayaa laga helayaa dagaal culus oo maanta ka dhacay degaanka Ceel-Qooxle ee hoostaga Moqokori oo dhowaan ciidamada dowladda iyo kuwa degaanka kala wareegeen Alshabaab.

Sida ay shaacisay Warbaahinta dowladda ciidamada Xoogga dalka iyo maleeshiyada deegaanka ayaa dagaalkaasi looga dilay in ka badan 30 ka mida Maleeshiyada Al-Shabaab, kadib weerarka ay kusoo qaadeen degaankaasi oo 35 KM Bari ka xiga magaalada Moqokori ee Gobolka Hiiraan.

Dhinaca kale war kasoo baxay Alshabaab ayaa lagu sheegay inay dagaalka CeelQooxle ku dileen 25 askari oo uu ka mid yahay Nabadoon Cilmi Hagar Guure oo maanta ku dhintay dagaalkaasi, waxayna sheegteen in muddo lix jeer ah dagaalkaasi la isku laabtay.

Dadka degaanka iyo ilo ku dhow ciidamada dowladda ayaa xaqiijiyey in dagaalka maanta u ahaa mid qasaare badan dhaliyey oo dhimashada iyo dhaawaca ay ka badan yihiin 60, labada dhinacna uu qasaare lixaad leh kasoo gaaray dagaalkaasi oo ka mida kuwii ugu cuslaa ee dhex mara.

Ad

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON