Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa falal dilal qorsheysan iyo Qarax Gaari oo Caawa ka dhacay Magaalada Muqdisho.
Qarax ka dhashay Miino loogu xiray Gaariga uu watay sarkaal ka tirsan ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed oo ahaa Korneyl la sheegay inuu ku dhintay qaraxa, sarkaalka oo lagu magacaabo Cali Raage.
Dhinaca kale koox hubeysan ayaa Caawa degmada Waaberi toogasho ku dishay nin la sheegay inuu Ganacsade ah oo magaciisa lagu soo gaabiyey Aw-aadan, iyadoo lagu dilay meel u dhow Masjidka C/raxmaan Bin Coof ee degamda Waaberi, ninka ayaa ahaa Sarifle, si weyn looga yaqiin degmada Waaberi.
Waxaa Galabta isna degmada Yaaqshiid lagu dilay nin ka mida maamulayaasha shirkadda dhismaha Wadooyinka ee Kulmiye, ninkan oo lagu magacaabo Maxamed Caddow ayaa waxaa toogasho ku dilay koox wadatay Mooto Bajaaj oo gaari uu watay ku hor gooyey mee u dhow gurigiisa oo ku yaalla xaafadda Suuq-Bacad ee magaalada Muqdisho.
Ma jrto wax war ah oo kasoo baxay hay’adaha Amniga dowladda Soomaaliya ee magaalada Muqdisho oo dhowaan sheegay inay sii kordhiyeen amniga caasimadda.