Wararkii ugu danbeeyay ee diyaaradda ku dhacday Garoonka diyaaradaha Aden Cadde ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in la badbaadiyay dadkii saarnaa diyaaradda.
Diyaaradan oo ay lahayd shirkadda Bancroft oo la shaqeysa AMISOM ayaa cilad ku qabsatay markii ay soo gaartay Garoonka oo ay dooneysay inay degto iyadoo dhowr jeer ku wareegatay Garoonka isla markaana ku dhacday garoonka qeyb ka mida.
Afar qof oo ajaaniib ah lana socda diyaaradda ayaa laga badbaadiyay, waxaana diyaaradda oo dab ka kacay la tacaalay Dab-damisyada garoonka, waxaana lagu guuleystay in la damiyo, inkastoo burbur uu soo gaaray.
Duulimaadyadii imaanayay Garoonka Muqdisho ayaa la hakiyay shilkaas dartiis, waxaana dadaal loogu jiro in diyaaradda laga fogeey dhabbaha diyaaradaha ka duulaan.
Goobjooge