Saturday, April 19, 2025

Faahfaahin ku saabsan Meyd lagu arkay Duleedka magaalada Muqdisho & Qaabkii loo dilay..

Wararka laga helayo duleedka magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in meydka wiil dhalinyarro ah laga helay Xaafada Sarkuusta ee Ex. Kontrool Afgooye duleedka Magalada Muqdisho.

Meydka ayaa la sheegay inuu ahaa wiil yar oo xarig uu qoorta uga xirnaa, waxaana sidoo wejiga looga duubay cimaamad, iyadoo jirkiisa uu ka muuqday jirdil loo geystay iyo rasaas, meydkuna mid waqti dhow halkaasi la dhigay, loogana tegay, sida ay sheegeen dadkii arkay ee goobjoogga ahaa.

Dadka degaanka ayaa si weyn uga naxay meyka xaafadooda lasoo dhigay, iyadoo aan la ogeyn cidda dilkiisa ka danbeysay iyo sababta loo dilay midna, iyadoo markii danbe loo qaaday xarunta Dembi baarista ee CID-da ee Muqdisho.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON