Saturday, April 26, 2025

Faahfaahin ku saabsan Gaadiid looga shakisan yahay inay sidaan Saanad Ciidan oo lagu heysto Cadaado

Waxaa maalintii saddexaad duleedka magaalada Cadaado ku xayiran 6 ka mida Gaadiidka xamuulka ee waaweyn kuwaasoo laga shakisan yahay xamuulka ay sidaan.

Wasiir ka tirsan garabka Axmed Baasto ee Galmudug oo lagu mnagacaabo Cumar Maxamed Diiriye, ahna Wasiirka Madaxtooyadda ayaa sheegay in Gawaaridaan in Gawaaridaan looga shakisan yahay inay sidaan Hub iyo Saanad, iyadoo loo saaray guddi loogu talagalay inay baaraan.

Wara kala duwan ayaa kasoo baxaya halka ay ku socdaan baabuurta iyo goobta ay ka yimaadeen, wararka qaar ayaa sheegay in laga soo raray dekadda Berbera, halka warar kale ay sheegayeen inay ka yimaadeen Jabuuti.

Ad

Darawallada Gaadiidkan ayaa warar kala duwan sheegay iyadoo qaarkood ay ku doodeen inay ku socdaan magaalada Beledweyne, halka kuwo kale laga soo xigtay inay ku sii jeedaan magaalada Muqdisho.

Afhayeenka ciidamo beeleedka gacanta ku haya Gadiidkan Yabaal Xaaji Aadan ayaa sheegay in Gadiidkan aysan weli baarin, iyadoo ay saaran yihiin Konteenato xiran, wuxuuna eedeyn u jeediyey taliyaha qeybta 21-aad oo doonaya inuu kala wareego gaadiidkaasi.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON