Wararka laga helayo degaanka Ceelashada biyaha ee duleedka Muqdisho ayaa sheegaya in koox dabley ah ay toogasho ku dileen laba qof oo shacab ah.
Weerarkan ayaa xalay ka dhacay Baarka loo yaqaan Galmudug ayaa ee degaanka ceelasha Biyaha, iyadoo lagu dilay 2 qof, Waxaana goobta ka baxsaday kooxdii falka geysatay, iyadoo ay halkaasi gaareen ciidamada amniga.
Rasaas ay fureen ciidamada ayaa la sheegay inay ku dhaawacmeen shan qof oao kale, kuwaasoo ka mid ahaa dadkii ku sugnaa Baarka Galmudug ee weerarku ka dhacay.
Dadka degaanka ceelasha biyaha ayaa ka cabanaya amniga degaankaasi oo sii xumaanaya iyo dilal joogto ah oo halkaasi ka dhaca.